X

Rajab Erduqaan oo jawaab kulul ka bixiyay inuu wareejiyo hubkiisa

Madaxweymnaha Turkiga ayaa jawaab kulul ka bixiya soo jeedin ka timi Maraykanka oo leh inuu gantaalihiisa laga baqo ee uu Ruushka iibsaday uu ku wareejiyo Yukrayn. Maraykanka oo og in hubkiisa lidka diyaaradaha aanu shaqayn ayaa Turkiga la rabin hubka muhiimka ee uu ka soo gatay Turkiga.


”Way dhamaatay taasi hubkaas anagaa leh waxaanan ku difaacaynaa dalkayaga waxana idinku filnayd jawaabtii uu bixiyay afhayeenka ayuu yiri Rajab Erduqaan. Miyaad aragteen dal dadkisa cidla dhiga ayuu raaciyay.


Rajab Erduqaan ayaa diiday inuu la safto Maraykanka iyo soo raacyadiisa cunaqabatayna saaro jaarkiisda Ruushka oo ka caawiyay difaaca lidka diyaaradaha xilli Maraykanka ay isku xulufo yihiin diideen.



”Ma waxay rabaan inay dadkayga dhigaan barafka dhacaya oo aan xidhno warshadaha dalka isagoo u jeeda mar la yiri xidh gaaska Ruushka idiinka yimaada. Turkiga ayaa dhinaca kale waxa yimaada kumanaan Ruusha oo u dalxiis yimaada haddana waaba dalka keliya ee la jaarka ee ay si toosa u imaan karaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.