Indoonisya 30-12-2014–Saraakiisha Indooniisiya ayaa sheegay in ay heleen raqda diyaaradii ku dhacday biyaha badda ilaa hadana ay soo saareen maydka 8 ruux iyo waliba agabyo dadku ay wateen. Diyaarada ayaa raqdeedu daadsan tahay fasaafo aad u kala fog waxana la arkayaa maydka dadka oo sabaynaya.
Gurmadka ayaa wali socda waxana goobta gaaray ilaa sagaal markab oo uu ku jiro Markab Maraykana iyo maraakiib laga leeyahay Malaysiya iyo Thailand.
Gurmadka xoogiisa ayaa la filayaa inuu bilaabmo berito oo Arbaca ah halkaas oo laysku dayi doono in goobta laga baadho sanduqa madow ee kaydiya codka.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
![_79979470_79979465[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2014/12/79979470_799794651.jpg)
![_79993585_025241327-1[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2014/12/79993585_025241327-11.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay