10/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Rawxaani oo waqti la qaatey Erdogan iyo wargeys Sucuudi ah oo Yuhuudi waraystey

Rawxaani ayaa waqti la qaatey Erdogan halka wargeys Sucuudi ah uu waraysi ka qaadey  Yuhuudi ku hanjabay inuu Lubnaan dhulka la simi doono, una gaysan doono burbur aan hore loo arag.



Xiriirka ka dhexeeya Yuhuuda iyo Sucuudiga ayaa ah mid aan qarsoonayn kuna salaysan sidii Muslimiinta kale loo tirtiri lahaa. Yuhuudigan oo ay waraysatey wargeyska Elaph ayaa sheegay inay Iiraan caawiso dawlada Lubnaan.

Dhinaca kale madaxweynaha Iiraan Rawxaani oo ka qaybgalay shirkii shalay ka dhacay Turkiga ayaa kulan qaasa la yeeshay Erdogan kulankaas oo si fiican layskula gartey in Yuhuuda la go’doomiyo.



Rawxaani ayaa sheegay in marnaba Maraykanku dhexdhexaad ka ahayn arinta Falastiin yahayna kii jabiyay Carabta dagaalkii 1967.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS