Dhalinyar ka gadoodsan beenta laga sheegay gobolka Awdal iyo dadkiisa ayaa duhur cad gubay calanka beesha dhexe. Tani ayaa timi markii shalay dhalinyar iyo haween afka soo xidhey ay Boorama ku gubeen calanka qaranka ayagoo ka dhigaya in reer Awdal gubeen.
”Adeer calanka qaranka ISAAQBA kuma gubo Hargeysa wuxuu anaga nagala soo dooney sow isku dir maaha iyo in Somalidu na tidhaa ma qarankiinaad gubeysaan ayuu yiri Axmed Maxamuud.
Falkaa Muuse handaraab ku kacay ujeedadiisu waxay ahayd in loo jawaabo dhalintii reer Awdal ee u dabaal degay maalintii xoriyada ayuu raaciyay waxayse ahayd inuu Hargeysa uga jawaabo.
”Waanu gubi marada ISAAQA maanta iyo beriba ayuu yiri C/shakuur Cali oo ka mid ahaan dhalinta ISAAQA ku gubey magaalada. Marnaba nagu diri maysaan ummada Somaliyeed cabashana uma qabno.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS