November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Reer Lascaanood oo ka banaanbaxay isdil ka socda Koofurta magaalada: SAWIRO

Waxaa saaka arroornimadii hore ka dhacay magaalada Laascaanood  banaan baxyo balaadhan oo lagu dalbanayo badbaadinta nafo bini,aadam.

Banaan-baxan ayaa ahaa mid baaq loogu dirayo beelo walaalo ah oo dhawaan dagaal ku dhex-maray koonfurta gobolka Sool.

Waxaana jidadka halbowlaha u ah magaalada Laascaanood isugu soo baxay dadweyne sita boodhadh ay ku xaran-dhan yihiin Dagaal tiiraanyo iyo dhibaayo ayaa la taransadaa, , Halaga wada shaqeeyo nabada iyo horumarka, xaaladiinu waxaa ay mareysaa kuu dhimay kaa dhimey, dagaal wiil kuma dhashee wiilbaa ku dhinta, jooji dagaalka dhiig-sokeeye dan maaha doonimeyno iyo hal ku dhigyo kale.

Banaan-baxan ayaa waxaa ka qayb galay kumaan qof, iyada oo inta badan ay saaka xidhnaayeen suuqyada waa weyn ee magaalada Laascaanood, goobaha waxbarashada, iiyo shaqooyinka muhiimka ah oo dhan.

Dadkii banaan-baxan dhigayay waxaa ka mid ahaa ardayda jaamacadaha, kuwa iskuulada, waxgaradka, aqoonyahanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Laascaanood, waxaana kaalin weyn ka qaatay banaan-baxan lagu taageerayo nabada hooyooyinka magaalada Laascaanood.

Waxaana mudaharaadkan soo abaabuley dhalinyarada ku nool magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka  Buuhoodle waxaanay ku dalbanayeen sidii colaada u dhaxeysa labada beelood eek u dagaalamaya deegaankaasi loo joojin lahaa,qayb laxaadlehna looga qaadan lahaa sidii nabadeyn loo dhex-dhigilahaa labadaasi beelood.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS