X

Reer Yurub oo u digey Denmaak oo qaxootiga dalkooda jooga u raraysa Afrika

Dalka cunsuriga uu ka taliyo ee Denmaak ayaa reer Yurub uga digeen sharci cunsuri oo qaxootiga dalkooda jooga ay ugu rarayso Afrika ee kiisaskooda loogu baaro halkaas, kii la diidanaa halkaa la dejiyo.


”Waxay Denmaak wadaa wax la aqbali karo maaha ayuu yiri gudoomiyaha reer Yurub waayo waxay wax u dhimaysaa nidaamka qaxootiga iyo amniga ay u baahan yihiin.

”Sharciga ay Denmaak gudbisay ayaa dalbanaya in qaxootiga la geeyo meel ka baxsan dalkeeda kadibna halkaa lagu eego kiisaskooda inta ayna dib ugu soo noqon Denmaak kuwa la aqbalaa.


Dalalka caalamka oo dhan ayaa diidey waxase soo booday Ruwaanda oo sumcadeeda iska dileysa noqonaysana meel lagu tuuro qaxootiyada ayuu yiri Xuseen Warsame.

Dhawaan ayaa Denmaak lagu canaantey qaxootiga Siiriya ee sharciga la siiyay ee ay kala noqotey inkastoo ay ku dhici wayday inay xoog dib ugu celiso.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.