20/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Roob doon laga tukanayo inta badan masaajida gobolada Somaliland

Waxaa saaka si rasmiya looga oogayaa gobolada iyo degmooyinka Somaliland salaadda Roob-doonta. Abaaro laga argagaxay ayaa ku dhuftey gobolada Awdal taas oo keentay in qaylodhaan ay ka timaado dadka deegaanka..

Wararka aanu ka heleyno gobolada Sool,Sanaag,Togdheer iyo Saaxil ayaa saaka si rasmiya loogu dareerey oogidda Salaadda Roob-doonta,dhinaca kale gobolada Awdal,Gabiiley Iyo Saylac ayaa iyagana sidoo kale looga dareerey salaadda Roob-doonta.

Dadka Muslimiinta ah ayaa marka ay abbaaro noocan oo kale ah ku habsadaan ay u dhaqaaqaan inay tukadaaan Salaadda Roob-doonta iyaga oo Illahaya weydiista inuu abaaraha ka dul qaado. Illaahay waxaanu ka baryeynaa inuu ducooyinkaa inaga aqbalo, abaarahana inaga dulqaado.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS