X

Roob ka da’ay gobolka Sool oo khasaare ka dhashay

Wararka ka imaanaya magaalada Xudun ee gobolka Sool ayaa sheegaya on halkaasi roob laxaadle oo ka da’ay uu ka dhashay khasaare. Inta ka xaqiijay waxa ku geeriyooday hal qof halka qofkalana uu Ku dhaawacantey. Roobka ka da’ay magaalada ayaa watey dabaylo xoogan.


Ninka dhintey iyo ninka dhaawaca ah ayaa ku jirey guri ku soo dumey maadaama roobku watey dabaylo xoogan. Waxana la sheegay inay ku jireen guri jiingada. Waxa jira khasaare gaaraya 20 guri oo dadkii deganaa hadda bilaa hoy yihiin.


Waxa sidaas sheegay gudoomiyaha magaalada oo degdeg u dalbadey in la soo gaaro dadkaasi. Waxase muuqata in dhawaqaas ku dhacayo meel cidla ah. Nimcadan RABI shubay ayaa si aada loogu diirsaday guud ahaan gobolka aarahska sokow khasaaraha ka dhashay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.