X

Roob xoogleh oo ka da’ay Awdal oo khasaare ka dhashay

Wararka laga helayo gobolka Awdal ayaa sheegaya in roob xoogweynaa oo maalmahanba ka da’aayay gobolka uu gaystey khasaare. Dhinaca degmada Baki ayaa la sheegay in wiil dhalinyara uu daad qaaday.


Masuuliyiinta deegaanka Baki ayaa sheegaya in wiilka dhalinyarada ah uu isku qaaday daadka kadibna uu la tagey ilaa haddana aan la helin waxa uu ku sugan yahay.


Roobab lagu nastey oo dhulka barwaaqo ka dhigey ayaa ka da’ay dhamaan gobolada Woqooyi. Gobolka Awdal ayaa sanadki sadexaad ka raystey.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.