X

Rooble aakhirka xabsi maku dambeyn doonaa

C/wahab sh C/samad

Dhibane prof C/wahaab sheekh C/samaed oo Rooble baahane u direy sirdoonka Kiiniya inay khaarajaan ayaa hadda dacwadiisu aad u saraysaa waxayna u badan tahay in Rooble xabsi ku dambeyn doono.


Rooble baahane ayaa lagu soo waramaya inuu hadda rabo inuu sheekada si HAWIYE ahaana ku xaliyo waxase sheekadaa diidey dhibane C/wahaab sh C/samad. ā€¯Isagu markii hore HAWIYE ma ahayn miyaa ayaa yiri Cali Calasow.


Waxay u badan tahay in Rooble baahane hadduu ka baxsado maxkamada Muqdisho ee musuqa ah inaanu ka baxsan karin mida dalka uu ka dhiiban yahay ee Iswiidhan.

Prof C/wahaab ayaa sheegay in gar yaqaankiisu hayo cadayn ku filan oo ay ku jiraan hadalo iyo qoraalo uu guul kaga soo hoyn doono dacwada. Prof C/wahaab ayaa ku sigtey in la dilo kadib markii uu fikirkiisa ka dhiibtey waxa ka socda dalka.



Waxa la aaminsan yahay in Imaaraadku siiyay lacago ku filan oo isku difaaci karo ama ku joogi karo Muqdisho maadaama aanu rabin inuu cadaalad raadsado.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.