X

Run sheeg Ceeb ma ahan, run sheeg waa Dambi ka carar!!!!.

Markii aan dhiganeeynay Koleejka Jowhar, waxaa nala soo fasixi jiray Galabta Khamiista illaa Subaxa Sabtiga intaan Xisadaha la galin ka hor. Waxaan mar mar soo aadi jirnay Muqdisho inkasta oo 2da Shillin oo baabuur raaca ah aan soo deynsan jirnay, haddana waxaan dhihi jirnay haddii ey jiri leheyd Dayaarad isku xirto Xamar iyo Jowhar waxa ey noqon la heyd horumar.


Aniga iyo Laba Macallin ayaa Bishiiba hal Usbuuc aadi jirnay Magaalada Marko si aan Casharo u siino Arday ay wax bareeysay Hayad Samafal.


Waqtigaa waddada waxaa jiray Isbaarooyin fara badan iyo dhowr jid gooyo, waxaan dhihi jirnay , Horuumar ayey noqon leheyd haddii uu jiri lahaa Markab Dadka ka soo qaado Dekedda Xamar ee keena Dekadda Marka.

Hadda maxaa dhacay.

1-Jowhar Dayaarad ayaa loo raacaa.
.
2-Marko, Ciidamada AMISOM waxaa raashinka u qaado Markab uga yimaada Xamar.

Horumarkii aan ku haminayay sidaa ayuu u rumoobay Cir iyo Bad. Dhinaca Dhulkana Gaadiidka ugu wanaagsan ee aad isku haleyn karto waa Baabuur qafilan oo aan Xabbaddu Karin.


Berrina waxaan sugeeynaa Horuumar kale, in Xaafadaha Xamar loo kala raaco Dayaarado iyo Maraakiib. Horuumarka gaadiidku ma xumo, waxaase muhiim ah sababta loo raacayo, ma Dalxiisaa mise Danaa tiri.

Saddaxdaa Gaadiid ee hadda jirto waa run, Run sheeg ceeb sheeg miyaa?


admin:

This website uses cookies.