X

Ruushka oo digniintii ugu cuslayd siiyay Maraykanka

Maraykanka ayaa si fulaynimo ah hubka ugu soo daldalaya Yukrayn oo Ruushku hawlgalkiisa ku soo afjari lahaa bilo kahor. Hawlgalka Ruushka ee Yukrayn  ayaa hakad ku jira kadib markii uu waayay ciidan la dagaalama aan ka ahayn ajaanib iyo xoogaa askarta Yukrayna oo rasaasta ka soo dhex ridaya guryaha gobolka aadka loo degan yahay Dombaas.


Haddaba Maraykanka oo hore u sheegay inuu rabo in Ruushku jabo ayaa Yukrayn u balan qaaday 40 bilyan oo doolar oo caawimo hub ah inuu siinayo oo ay ku jiraan madaafiicda qaada gantaalaha dheereeya ee gaaraya ilaa gobolada Ruushka.


Inkastoo uu baqay inuu gantaalahaa siiyo Yukrayn haddana waa soo cusboonaysiiyay shalay. Ruushka oo arintaa ka digaya ayaa digniin culus u direy Maraykanka sheegayna inuu ka jawaabi doono, haddii dalka Ruushka lagu weeraro gantaalahaas.



”Waxaan u malaynayaa Maraykanka oo hawlgalka Yukrayn si toosa faraha ugula jiro inaan ka bixin doono jawaab ku haboon ayay tiri afhayeenka wasaarada arimaha dibedda. Taas oo ay ula jeedo in Ruushku gebi ahaanba meesha ka saaro madaxa Yukrayn ee amray in gantaal lagu soo weeraro Ruushka.

Gantaalaha noocana oo Maraykanku ku weerari karin Ruushka ayuu rabaa inuu adeegsado Yukrayn oo ebera.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.