X

Maxaa loogu qoslay hadalka Xasan Culusow ee dadku haka fogaadaan argagixisada???

Dagaalka lagula jiro dhiigmiiratada shabaab ma dhamaanayo ilaa la helo maamul adag oo dalku yeesho, waxase wax lagu qoslo ah in Xasan Culusow yidhaa dadku haka fogaadaan goobaha ay joogaan dhiigmiiratada.


”Waa caqli xumo in Xasan Culusow maanta na yidhaaho ka fogaada dhiigmiiratada xilli dhiigmiiratadu haysato madaxtooyada iyo sirdoonka ayna yihiin kuwa fulinaya dilalka iyo shirqoolada ayuu qabaa Cali Calasow.


Dhiigmiirato meel joogto miyaa jirta oo ku urursan mise waxa jira dhiigmiirato seexata guriga Xasan Culusow kadibna ciday doonaan dila ciday doonaana qaraxyo ku dila, marka dadka ma siri karaa Xasan Beenaale ayuu raaciyay Cali Calasow.



”Waan ognahay inayna jirin dhiigmiirato meel ku urursan waxaanse ognahay inay jirto dhiigmiirato dadka ku dhexjirta habeenkiina afka xidhata si ay u fuliyaan dilal qorshaysan ayuu yiri Xuseen Warsame. Marka beenta dadka ka daa Xasan Culusow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.