November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Ruushka oo IIRAAN u soo gudbiyay hubka adag ee difaaca cirka iyo Sucuudiga iyo Yuhuuda oo ka naxay

Ruushka ayaa qayb ka mida hubka difaaca adag ee cirka u soo gudbiyay IIRAAN kadib muddo ay dib u dhigeen hubkaasi oo IIRAAN iibsatey sanadii 2007 ayna ku baxdey 800 oo milyan oo doolar. Hubkan ayaa ah casri wax ka soo ridi kara masaafo dheer.

Sucuudiga oo dagaal isaga u gaara kula Jira IIRAAN laakiin jecel Yuhuuda ayaa ka naxay hubkan casriga oo IIRAAN awood u siinaya in uu soo rido diyaaradaha Maraykanku siiyay Yuhuuda ee weerarka ku ah IIRAAN.

Yuhuuda oo saaxiib dhow la ah Sucuudiga ayaa iyaduna hore uga xanaaqdey maadaama hubkani ka dhigayo mid Yuhuudu ku dhici Karin in ay ku dhiirato in ay weerar ku qaado goobaha lagu hayo cilmiga tamarta ee IIRAAN.

Ruushka ayaa balan qaaday in uu soo raacinayo inta kale inkastoo Ruushka lagu eedaynayo in uu hub kaas la mida ku geeyay Siiriya muddo aan ka yarayn afar maalmood.

IIRAAN ayaa ka mid noqonaysa dalal dhowr ah oo haysta awooda difaaca cirka ee ugu adag.

_86587969_s300afplauncheraug13[2]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS