Milatariga Ruushka ayaa markii ugu horeysay ka hadlay tirada askar ee uga dhimatey hawlgalka uu ka wado dalkaasi Yukrayn halkaas oo ay u galeen inay badbaadiyaan dadkiisa la xasuuqayay muddada sideeda sanno ah.
”Waxay tirada naga dhimatey gaaraysaa ilaa 490 askar halka dhaawacuna gaarayo 1600 ayuu yiri afhayeenka milatariga Ruushka. Wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay dacaayadaha reer galbeedka oo ku sheegay inay 5kun kaga dimatey.
Sida ay qiyaasayaan milatariga Ruushka waxa Yukrayn ay ku wayday hawlgalkan askar gaaraysa 2kun iyo 8 boqol halka dhaawacuna gaarayo ilaa 3 kun iyo 9 boqol.
Waxay kalo gacanta ay ku hayaan uugu yaraan 600 oo ciidan oo maxaabiis ahaan loo qabsaday.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay