Maraykanka ayaa raadaaro ugu rakiban Norway ku talojirey in muddo ahba inuu casriyeeyo, waxase taasi ka horyimi Ruuushka oo sheegay in raadaarkaasi farogelin ku hayo danaha Ruushka. Raadaaradan ayaa ku yaala Jasiirada Vardo ee ku taal badda barafka ah u badan ee loo yaqaan Baren ee u dhaxaysa Ruushka iyo Norway.
Ruushka ayaa sheegay in raadaaradan ay basaas ku yihiin loogana gol leeyahay in ay fiiriyaan dhaqdhaqaaqa danaha Ruushka ee cirka iyo hawadiisa.
”Arintani maaha mid u gaara Norwey kaliya hadda kahorna waan ugu sheegnay waxase muuqata in dhegaha laga furaysay, ,ar hadday sidaas tahay waxana lana gudboon inaan wax ka qabano ayay tiri afhayeenka dawlada Ruushka.
Ma sheegin talaabada ay qaadi doonaan waxase jirta in Ruushku bowydyo goyn doono raadaarkaas sida inay ku furaan shucaac gebi ahaanba xaniba signalka uu helayo.
Maraykanka ayaan welli jawaaba ka bixin hadalka ka soo yeeray Ruushka.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay