X

Ruushka oo ogolaadey in uu hubkiisa ugu casrisan ka iibiyo Turkiga: waa hub nooceeya

Ruushka ayaa ogolaadey in uu hubkiisa ugu casrisan ka iibiyo Turkiga xilli Turkiga iyo Ruushku uuna fiicneyn xiriirkoodu. Erdogan oo taageersan urur diimeedka akhwaanka ee ka dagaalama Siiriya ayaan rabin in uu lumiyo xiriirka Ruushka.

Diyaaradaha Turkiga ayaa soo ridey diyaarad ciidan oo Ruushku leeyahay aakhirkii sanadii 2015 taas oo Erdogan ka xumaadey markii dambana raaligelin ka bixiyay sidaana ku soo celiyay xiriirka fiican ee u dhexeeya iyaga iyo Ruushka.



Erdogan ayaa reer Yurub aad u neceen isla markaana uu waligii ku tiirsanaa xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo Ruushka.

Waa hub nooceeya

Hubkan ayaa ah casri nooca lidka diyaaradaha ee loo yaqaan S-400 kaas oo Ruushku keenay Siiriya cabsina ku keentay Yuhuuda, Maraykanka iyo Turkiga una diidey in ay diyaaradahoodu fooda soo geliyaan hawada Siiriya.

S-400 ayaa la dagaalami kara ugu yaraan 15 diyaaradood halmar. Waxa Ruushku ka iibiyay hubkan wadamada Shiinaha iyo Hindiya oo kaliya. Putin ayaa sheegay in uu hubkan ka iibinayo Turkiga si lama filaana.

Wuxuuna sheegay in labada ciidan ogyihiin kaliya la sugayo in la diyaariyo. Dad badan ayaa ka yaabay ogolaanshaha xilligan. Lama garan karo lacagta ku baxaysa hubkan waxase lagu tilmaami karo balaayiin doolar.



Turkiga ayaa ka mid noqon doona wadamada ugu xoogan Muslimiinta oo hawadiisa cidi soo farogelin maadaama uu hubkan haysto halka dhnaca kale uu leeyahay awood djhamaystiran oo dhul iyo badba leh.


Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

 

admin:

This website uses cookies.