X

Ruushka oo qarxiyay sir ay damacsan yihiin Maraykanka iyo Bolan

ARAABINEWS WAR HADDA YIMI

Sirdoonka Ruushka ayaa helay sir ku saabsan in Bolan iyo Maraykanku qorshaynayaan inay qabsadaan galbeedka dalkaasi Yukrayn. Bolan ayaa weligeedba ku doodi jirtey in dhul iyadu leedahay midowgii Soofeeti ka haystey.


Dhulkaasi hadda Yukraynta xorta ah waxayna rabtaa inay soo galaan, ayadoo la shaqaynaysa Maraykanka. ā€¯Waxay ku soo galayaan sheekada loo yaqaan nabad ilaalin ayagoo iska dhigaya kuwo ka difaacaya Ruushka.

Jarmalka ayaa iyagu sheegay inay haba yaraatee ka qayb qaadan doonin dagaal ma ciidan ka tirsan ururka Maraykanku ku shaqaysto ee Naato oo la dagaala Ruushka.


Sirdoonka ayaa intaas raaciyay in qorshuhu yahay in ayna ku jirin ururka Naato ee ay ka qayb qaadan doonaan wadamo is xilqaamay oo dabcan uu Maraykanku ku jiro.


Ilaa hadda Maraykanku ma sheegin inuu qayb ka yahay qorshahan ay Bolan la wadaagaan waxase la sheegay in ciidanka Bolan tegi doonaan aag ayna iska hor iman doonin ciidanka Ruushka.



Si kastaba ha ahatee qorshahan ayaa la filayaa inaanu meel marin hadaanu taageero aka helin Maraykanka. Bolan ayaa bilowday layliyo aya ku tijaabinayso ciidankeeda.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.