X

Ruushka oo qarxiyay hub reer galbeedku siiyeen Yukrayn

Wasaarada gaashaandhiga ee dalkaasi Ruushka ayaa bandhigtey gantaalo lagu garaacay laguna burburiyay hub reer galbeedku siiba Maraykanka iyo dhowr wadan oo kale siiyeen Yuhuuda haysta Yukrayn.


Gantaalahan ayaa lala dhacay garoon diyaaaradeed oo aan sidaa loo isticmaalin oo ku yaal magaalo xeebeedka Odhesa ee Koofurta dalkaasi Yukrayn.


ā€¯Waxaan ku garaacnay kuna burburinay gantaalaha aadka u dheereeya ee loo yaqaan Oniik oo laga soo ganay gudaha dalka Ruushka, waxaan isla goobta saaxada uga saarnay garoonkii diyaaradaha ayaa lagu yiri qoraalka wasaarada.



Maaha markii ugu horeysay ee wasaaaradu soo bandhigto sida u burburiyaan hubka qarsoodiga lagu soo geliyo dalkaasi oo inta badan la soo mariyo wadamada jaarka ah Yukrayn. Waana markii labaad ee ay garaaceen isla magaalo xeebeedkan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.