23/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Ruushka oo saxaafada tusay in qoyska Erdogan ka ganacsadaan saliida argagixisada caalamiga ee Daacish

Wasaarada difaaca Ruushka oo si lama filaana ugu yeertay saxaafada ayaa ku soo bandhigey in madaxweynaha Turkiga qoyskiisu ka ganacsadaan saliida dalalka kacay ee Ciraaq iyo Siiriya. Siiriya ayaa qayb ahaan burburey walba inta ay degan yihiin kuwa Sucuudiga iyo Turkigu ugu yeeraan Sunni,,kuwaas oo ay ka taliyaan kooxo dhiigmiirato ah iyo Daacish.

Sucuudiga ayaa hub khatara oo Maraykanku siiyay u gudbiyay Turkiga si looga tuuro xukunka dawlada sharciga ah ee Siiriya taas oo keentay in malaayiin guryashoodii laga qixiyo ayna hadda ku jiraan xerootyinka dalalka la jaarka Siiriya.

Ruushka oo diyaarad ay leeyihiin ay soo rideen Turkidu ayaan helin wax raligelin ah iyo mag inkastoo usbuucan ay kulmayaan labada wasiiro arimo dibadeed e Ruushka iyo Turkigu.

Saxaafada ayaa la tusey gawaadhida xamuulka ee qaada saliida oo isaga gooshaya Turkiga iyo Siiriya qaybta ay maamusho ururka magaciisa saxda ah la helay ee KUWII XUMAANTA U SAAXIIBKA AHAA ama Daacish.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in uu iscasilo doono haddii la cadeeyo in uu ka ganacsado saliida argagixisada Daacish ay sida xaaraanta ah uga dhoofiso kuna maalgeliso gowracyada aduunka.

Dhinaca kale Turkiga ayaa sheegay in ay qaadi doonaan talaabo la mida ta Ruushku qaaday ee cunaqabatayna dhinaca ganacsiga inkastoo ayna sheegin nooca ay tahay. Turkiga ayaa hadda ogaaday in uu ku jiro geri go’an lana rabo in la burburiyo dhaqaalaha yar ee uu dhidibada u taagay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM