X

Ruushka oo shaaca ka qaaday laba gantaalo oo niyadjab ku riday Maraykanka

Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in ciidanka dalkiisa hadda lagu wareejay gantaalaha lidka diyaaradaha ee casriga ee loo yaqaan S-500 oo ah nooc Ruush keligii uu haysto, ayagoo hore u haystey S-400 oo uu ka qayliyay Maraykanku.


Gantaankan ayaa loo adeegsan karaa soo ridida diyaaradaha, dayax gacmeedka basaasaya dhaqdhaqaaqa ciidanka, bakhna ka dhigaya diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka.

Ruushka ayaa kaalinta koowaad kaga jira difaaca lidka diyaaradaha ayadoo gantaalaha lidka diyaaradaha ee Maraykanku ku faano ay waxba ka qaadi waayeen diyaaradaha aan iswadin ee Iiraan.


Madaxweyne Buutin ayaa sidoo kaleshaaca ka qaaday gantaal kale oo ka sii nixiyay Maraykanka. Gantaalkan oo loo yaqaan Sarmat ayaa haba yaraatee ayna arkaynin difaaca dalkaasi Maraykanka, waxana gaadhi karaa meel walba dunidan yar ee RABI ian dhigey.



Gantaalkan Sarmat ayaa kolba dhinac u duula taas oo adkaanaysa sida loo soo ridaa. Waana Ruushka dalka keliya ee haystaa gantaalkan. Shiinaha iyo Maraykanka ayaan welli kow iyo laba joogin inay soo gaadhaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.