X

Ruushka oo shandadaha u xirey safiirka Maraykanka u fadhiyay dalkaasi

Masuuliyiinta Ruushka ayaa u sheegay safiirkii Maraykanka u fadhiyay Mooskova inuu shandada xirto oo uu soo eego qoyskiisa iyo caasimadiisa Waashintan oo ka dhigan in loo sheegay isaga bax dalka.


Ruushka ayaa safiirkiisii kala soo baxay Maraykanka markii madaxweynaha dalkaasi ku tilmaamay dilaa kadibna uu codsaday inuu la kulmo. Intii kulanka la diyaarinaayay ayaa Joo Baydan haddana cunaqatayn gadhka u geliyay Ruushka.

Waxana kadib uu ugu daray inuu soo eryo wakiilo farabadan oo u fadhiyay Ruushka dalkaasi Maraykanka. Inkastoo Ruushku markii eryay wakiilo Maraykanka u jooga Mooskova waxana isna ku daray safiirkooda.#


Xiriirka labada dal ayaa meel sare maraya, ayadoo ay jirto xiisada Yukarayn. Inkastoo Maraykanku isku dayay inuu soo dirto markab dagaal haddana baqdin awgeed gadaal ayuyu ula noqday.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.