X

Axmaarada oo banaanbax ka dhigey dilal joogto ah oo urur Oromo ah ku hayo

Waxa maanta oo Salaasa ah banaanbaxyo balaaran ka dhaceen gobolada Axmaarada halkaas oo ay uga soo horjeedeen dilal joogto ah oo ay ku hayaan urur xagjira oo Oromo ah oo ka dilaacay dhulka Oromada.


Ururkan oo la baxay ururka xoreynta Oromada ayaa dilal iyo xasuuq ba’an ka gaystey gobolka isku dhafka ah ee Koofurta dalka halkaas oo ay ku naf waayen ama ku barakaceen kumanaan dadka cawaanka ah.

Dawlada Itoobiya ayaa la tacaalaysa sidii ay xididada ugu siibi lahayd ururkan beegsanaya dad ann waxba dhiman. Magaalo ka mida kuwa Axmaarada ayaa gebi ahaanba dhulka lala simay waxana ka barakacay 250 oo kun.


Cabi Axmed ayaa amrey in la soo celuiyo kala sdambeynta. Axmaarada ayaa dhinacooda ku eedeeyay raiisal wasaaraha inuu la jiro ururkan xagjirka ah.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.