November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Ruushka oo sheegay inuu culayska ka dulqaaday caasimada Yukrayn

Milatariga Ruushka ee curyaamiyay ciidanka dalkaasi Yukrayn ayaa sheegay inay culeska ka dulqaadeen caasimada dalkaasi hadda weerarka xoogiisa ay isugu geyn doonaan bariga dalkaasi oo ay badankiisa degan yihiin dadka Ruushka ku hadla.

”Si aan wadahadalka iyo go’aanada ka soo baxaya Yukrayn u siino fursad waxaan go’aansanay inaan culeyska ka qaadno caasimada Yukrayn iyo wadooyinka galaya ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaarada difaaca e Ruushka.

Magaalooyinka hawlgalka laga joojiyay waxa ka mida Kiyeef iyo Jiigni oo u dghow caasimada. Yukrayn ayaa ku dhow inay aqbasho dhamaan arimaha amniga ee uu dalbanaayay Ruushku mudada dheer.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS