X

Ruushka oo si xun u bahdiley Ingiriiska una soo hanjabay

Ingiriiska oo baqdin xoogan ka qaba in Ruushku ka tirtiro maabka adduunka ayaa u direy wasiiradiisa arimaha dibedda halkaas oo loo soo hanjabay si xun loo bahdiley. Haweenaydan ayaa si kibirsan uga hadashay xaalada Yukrayn.


”Waxaanu la hadlaynaa qof indha la oo dhoohan ayuu yiri wasiirka arimaha dibedda ee Ruushka Laafroof. Intaas kadibna intuu alabaabka u furey ayaanu ka daba bixin. Bahdilaadan ayaa si toosa loo daawaday.

Ingiriiska ayaa Yukrayn ku daldalay gantaalada la dagaalama taangiyada kadibna Ruushka u baryo tagay, waxase uu la soo kulmay bahdilaadii ugu weynayd.



Ingiriiska ayaa noqonaya meelaha ugu horeeya ee Ruushku duqeeyo haddiiba ay dhacdo in dagaalku qadhaadhaado oo u dhexeeyo isaga iyo reer Yurub inkastoo reer Yurub la jirin Maraykanka oo Ingiriiska dabada ku wata.

Wasiirka difaaca Ruushka ayaa isna sheegay in xiriirka ay la leeyihiin Ingiriiska uu taxadka jooga dhulkan ku baaba’ayo hadaan laga gaadhin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.