Ruushka ayaa soo saaray war ka nixiyay Maraykanka oo gantaalo nacasnimo ah ku weeraray Siiriya oo la daaladhacaysa argagixisada ay taageeraan Maraykanka, Yuhuuda, Sucuudiga iyo Turkiga oo wadajira.
Ujeedada weerarkii xalay ayaa ahaa mid lagu wiiqayo dagaalka argagixisada ee ay taageeraan afartaas dal oo laba ujeedadoodu tahay burburinta Siiriya si Yuhuudu u waydo awood la jaara oo xoogweyn halka Turkiga iyo Sucuudigu kala wataan laba urur diimeed laakiin ku midoobeen in ay dalka kala goostaan.
Ruushka ayaa ka nixiyay Maraykanka isagoo cadeeyay in uu xoojin doono awooda difaac ee Siiriya qaasatan dhinaca cirka. Waana talaabo ka nixisay Maraykanka oo aan talaabo ka qaadi karin halka Ruushku joogo.
Ruushka ayaa xero ciidan ku leh xeebta Siiriya waxana dadku is waydiinayaan waxa uu ugu ogolaadey in gantaalada Maraykanku soo gudbaan inkastoo la sheegayo in ay yihiin nooca ka dhuunta raadaarka laakiin hadana la ogaan karo.
Yuhuuda ayaa sidoo kale duqeysa Siiriya inkastoo hadda ayna dhici doonin maadaama Ruushku keenayo hub casriya oo Maraykanku aanu haysan.
Ruushka ayaa dhinaca cadeeyay in 60 gantaal ee Trump sheegtay in uu ku weeraray Siiriya ay ahaayeen kuwo tayadoodu hoosayso oo ilaa tobaneeyo ku soo dhaceen xerada. Fiirso sawirka hoose
Xerada ayay ka muuqatey burbur dhinaca wadada diyaaraduhu ka haadaan. Weerarkan ayay Siiriya ka heshay awood difaaceed ayadoo loo tashadey si looga dhigo dal la mida wadamada hore u burburiyeen xulafada Maraykanku ee Ciraaq iyo Liibiya oo hadda ah dalal aan jirin horeyna u ahaa dalal laga baqo oo awood dhaqaale.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS


More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay