X

Ruushka oo weerari doona hubka reer galbeedku soo gelinayo Yukrayn

HUB

Wasiir ku xigeenka arimaha dibedda Ruushka ayaa sheegay inay weerari doonaan hubka reer galbeedku soo gelinayaan Yukrayn. Hubka reer galbeedku soo gelinayaan Yukrayn ayaa u badab gantaalaha taangiga lagula dagaalamo iyo lidka diyaaradaha.


Ruushka ayaa ka digey in hubkaasi u gacan geli doono shaqsiyad ayna mahadin doonin reer galbeedku oo soo ridi doona diyaaradaha shacabka. ”Anaga waxba na yeeli mayso laakiin kuwa ay ku noqonayaan hubkaasi waa iyaga ayuu yiri wasiir ku xigeenku.


”Maraykanku waa munaafaq weyn maalin kasta waxay nagala hadlaan sidii colaada loo soo afjari lahaa xagga dambana waxay ka sii hurinayaan dabka ayuu raaciyay wasiirku.


Dhinaca kale ergayga Yurub u qaabilsan arimaha dibedda ayaa sheegay in Yurub ay wax isku miisaamayso dhinac waxaan rabnaa inaan taageerno Yukrayn halka dhinaca kale aan rabno inaan dagaalku nagu soo fidin ayuu yiri Borrell.

Wuxuuna si toosa ugu jawaabayaa hadalka wasiirka Ruushka ee sheegay inay weerari doonaan kolonyada hubka u sida Yukrayn.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.