X

Horjooge Muuse Bixi oo soo dhaweyni ku sugeyn Maraykanka u yeedhay

Horjoogaha maamulka Somalilaan ee hadda Maraykanku ku danaysayo ayaan soo dhaweyn ka sugeyn dalkaasi Maraykanka laakiin ay sugayso banaanbax looga soo horjeedo. Horjoogahan ayaa ictiraaf ka haysan beesha uu sheeganayo inuu ku matalo magaca Somalilaan.


”Maraykanku ictiraaf ma bixiyo hadduu faraha kala bixi waayo arimaha Somaliyana Somaliya waxa ka go’an inay Ruushka ku xidhato ayuu qabaa Xuseen Warsame. Ruushka ayaa boqolkiiba boqol daacad ka ah dib u nooleynta qaranka ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

Ilaa hadda lama garan karo waxa loogu yeedhay horjoogahan aad ka u cuqdadaysan ee ka dhidida magaca Soomaali laakiin aan haysan cid taabacsan xitaa Hargeysa.


”Waxa arintaas u ogolaaday madaxweynaha hadda jooga Somaliya oo ogolaaday in dalka dhexdiisa horjooge Somalida ku raafo sida Laascaanood tii ka dhacday ayuu qabaa Cali Calasow. Haddii uu dhihi lahaa ma taaban kartid waxa hubaala inaanu far dhaqaajeen ayuu raaciyay Cali Calasow.


Kadib markii ay dhawaan yimaadeen Hargeysa xildhinaano taageersan maamulka oo ka socda Maraykanka ayaa dadka badankiisu qabaan inay u yeedheen si ay ula kulansiiyaan kuwo kale oo dano gaara ka leh Somlaliya, waxase aad is weydiin kartaa waxa uu horjoogahan Maraykan u soo kordhin karo iyo inuu siin karo deked iyo saldhig iyo wax la mida.

Waan ognahay in Maraykanku qasayo dalka guud haan socdaalada noocana waa ii shaabadee Shiinaan u socdaaye laakiin ka socon mayso ayuu yiri Xuseen Warsame.



Jaaliyada gobolada Woqooyi ee ku sugan Maraykanka ayaa muujin doona sida ay diidan yihiin horjoogahan aan cidna matalin.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.