X

Ruushka oo yasay hub Maraykanku siiyay Yukrayn digniina u direy

Ruushka ayaa yasay madaafiic uu Maraykanku siinayo Yukrayn kana digey inuu garaaci doono halka amarka laga soo bixiyay xarunta haddii madaafiicdaas lagu weeraro dhulka Ruushka. Maraykanka oo si fuleynimo ah ula dagaalamaya Ruushka ayaa inta badan siiyay hubka gaadmada Yukrayn.


”Madaafiicda Maraykanku siinayo Yukrayn maaha kuwo cusub oo ayna Yukrayn haysan oo waxa ka buuxa kuwii midowga Soofeeti ay ka dhaxashay ayuu yiri Madaxweyne Buutin.

”Waxay ku xidhan tahay gantaalka lagu rakibo madaafiicdaas haddayse dhacdo in dhulka Ruushka lagu soo weeraro, Yukrayn ha ogaato inay ka shalayn doonto oo aan burburin doono inta ilaa hadda aanan taaban ayuu raaciyay Buutin.


Maraykanka iyo xulafadiisa aadka u soo yaraanaysa ayaa hub qarsoodiya si tuuga ah ku soo geliya Yukrayn ayadoo ujeedadu tahay inay dheereeyaan dagaalka inkastoo taasi ayna waxba ka bedeli karin hawlgalka Ruushka.



Waxana taas u dheer ayagoo dhaqaale burbur ka qaaday cunaqabataynta ay is lahaayeen wax ugu dhima Ruushka halka Ruushka ka qaaday inuu saliidiisa iyo gaaskiisa ku iibsado qiimo aanu hore ugu gadan jirin.

Lacagta Ruushka ayaa hadda ka mida lacagaha ugu sharafta badan lacagaha adduunka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.