November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Ruushka,Turkiga iyo Iiraan oo Maraykanka ugu baaqay inuu ka baxo Suuriya

Wadamada Ruushka, Turkiga iyo Iiraan oo Shir ku lahaa dalkaasi Iiraan ayaa sheegay in Maraykanku welli wado bililiqada kheyraadka Suuriya qaasatan saliida dalkaasi, waxayna ugu baaqeen inuu ka baxo Suuriya.



Maraykanka ayaa xoog ku jooga bariga dalkaasi halkaas oo uu iibsado saliida iyo kheyraadka kale ee dalkaasi sida Qamadiga sida ay sheegteen masuiliyiinta Suuriya.

“Maraykanku waa aabaha qaska aduunka wuxuu si caadiya u bililiqaysanayaa kheyraadka reer Suuriya ay qaxootiga ka yihiin ayuu yiri Madaxweyne Bashaar Asad.




Maraykanka ayaa sanado dhowra ku sugan Suuriya halkaas oo uu daldasho kheyraadkeeda.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS