11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

RW Cabi Axmed oo dalkiisa ku laabtey

Madaxweynaha Somaliya oo shir lagu qasbey oo waqti lumis ahaa la yeeshay horjooge Muuse Biixi ayaa welli Jabuuti u sugan ayadoo shirar gaara uu la yeelanayo madaxweynaha Jabuuti oo loogu baaqayo inuu is casilo ama dalka geliyo doorasho.



Dhinaca kale Raiisal wasaaraha Itoobiya ayaa isagu dib ugu laabtey dalkiisa kadib markii xakay uu u hoyday Jabuuti cashana la qaatay madaxda dalkaasi.

Cabi Axmed ayaa dareensan in meelo badan oo aduunka laga heshiiyay colaada ka duwan kuwa Somalida haysata laakiin dawlad la’aanta ay sii dheeraysay in jufo kasta is moodo dawlad.



Sheekada wadahadalada ayaa dabada ka riixay safiirka Maraykanka oo dareensan inay muujiyaan awoodooda xilli ay ka baqayaan in Turkigu la wareego.

Madaxweynaha Farmaajo ayaa lagu amaanay in aanu fursad siinin horjoogeyaal jufadooda aan ka haysan taageero laakiin ay dabada ka riixayaan gaalo ujeedooyin fogfog ka leh dalka Ingiriiska iyo Maraykanka.



”Waxa lagu dagaalamayaa waa gacanta dheer ee dalka iyo kheyraadkiisa ayuu yiri Xuseen Warsame. Dadka degan Woqooyiga way soo taabteen maamul xumo iyadoo gobolkani 30 kaa sano noqon lahaa gobol barwaaqo ah.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS