RW Kheyre iyo Axmed Madoobe ayaa badda Kismaayo dalxiis u tagey soona arkay dadka miyiga. Kheyre ayaa shalay tagey Kismaayo halkaas oo golahiisa wasaarada ku shireen.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kormeerkiisa waxaa ku wehliyay madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe, Ra’iisal wasaaare ku xigeenka iyo wasiiro, wuxuuna sheegay in Goobweyn ay ahayd meel loo dalxiis tago.
“Goobwayn waxay ahayd in dunidu usoo dalxiis tagto, inay ahaato Muuqaalka iyo Sharafta Soomaaliyeed, ma ahayn in dadkeennu ku gaajoodaan” ayuu Ra’iisal wasaare Kheyre ku yri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.
Xasan Cali Kheyre ayaa ku lebisnaa dareysa ciidamada milateriga xilliga uu booqashada Goobweyn ku joogay, isagoo sidoo kale booqday xarumo kale.

C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay