RW Xasan Cali Kheyre ayaa ka qayb galay maalinta afka hooyo oo ku beegan maanta. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa u mahed celiyay maamulka Akadeemiyad-Goboleedka Af-Soomaaliga iyo Akadeemiyada cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo si wayn u harumariyay xarunta Akadeemiyada iyo Afka.
Af-Soomaaligu waa afka rasmiga ah ee dawladda Federaalka Soomaaliya. waana in loo adeegsadaa shaqooyinka xafiisyadda dawladda si loo hagaajiyo maqaamka afkeena hooyo. Dhamaan shaqaalaha dawladda ayaan farnay in ay dhiirigaliyaan isticmaalka luuqadeena.” Ayuu yiri R/W Khayre.
Guddoomiyaha Gollaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa tilmaamay in Af-ka Soomaaliyeed lagu soo qaaday weerar si loo dabo jaro balse ay dadka Soomaaliyeed ay naftooda u hureen sidii ay u difaaci lahaayeen afkooda hooyo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS


Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay