10/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

RW Xasan Kheyre oo dhalinyaro kula kulmey xeebta Liido: SAWIRO

RW Xasan Kheyre ayaa dhalinyaro kula kulmey xeebta Liido. Ugu horayn Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ay waheliyaan wasiir Ku xigeenka iyo Wasiir dawlaha Wasaaradda ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku soo dhaweeyay xarunta wasaaaradda.



Waxayna usoo bandhigayn sida ay shaqada u wadaan iyo halka ay howshu u marayso, isgoona Wasiir Cawad warbixin kooban Ka siiyay dhammaan safaradii uu ku tagay dalka dibadiisa iyo guulaha laga gaaray.



Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa booqday xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, oo ah goob loo tago nasasho iyo dalxiis, isagoona wakhti kula qaatay shacabkii usoo nasasho tagay xeebta kuwaas oo u badnaa dhalinyaro. Sidoo kalena waxuu ka dhagaystay talooyinkooda, waxuuna u balan qaaday inu hirgilin doona aragtidooda kuwa ugu muhiimsan.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS