X

RW Xasan Kheyre oo furey shir aan caadi ahayn oo muhiima: SAWIRO

RW Xasan Kheyre ayaa furey shir aan caadi ahayn oo muhiima. Kulanka uu hogaaminayo Xasan Cali Kheyre ayaa ka dhacay xarunta Afisiyoone ee ay degan yihiin Amisom.



Shirka ayaa waxaa furay Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxana ka qeybgalaya Xubno ay ka mid yihiin Safiiro ka socda Wadamada Beesha Caalamka qaarkood u jooga Soomaaliya iyo Hay’addaha deeq bixiyaasha Caalamiga ah.

Shirkan ayaa looga hadlayaa abaaraha dalka ka jira ee ku habsadey.



Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo shirka furay ayaa hay’addaha qaramada midoobey ee lacagta malaayiinta ah ku qaata dadkeena diciifka ah uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Somalida.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.