11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

RW Xasan Kheyre oo furey shirka nabadeynta gobolka Sh Hoose: SAWIRO

RW Xasan Kheyre ayaa furey shirka nabadeynta gobolka Sh Hoose. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo shirkan qayb weyn ka qaadatey ayaa looga hadli doonaa xal u helida colaada gobolkas sh Hoose.



Shirka ayaa waxaa ku sugan masuuliyiin ka tirsan dowladda sida Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan Iyo Wasiirka Arimaha Gudaha DFS Cabdi Maxamed Sabriye.



Sidoo kale waxaa Goobta shirka ku sugan Waxgarad ka kala socda Beelaha halkaasi ku dagaalmayay sanadihii u dambeeyey,iyaga oo ka arrinsanaya in heshiis buuxa laga gaaro dagaalkaas mudada dhowrka Sano ah dhexmarayay.



C/llahi Warmooge

ARAABINEWS