X

RW Xasan Kheyre oo ka warbixiyay shirkii uu kaga qaybgalay Swizerland

RW Somaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka warbixiyay shirkii uu kaga qaybgalay Swizerland. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbxiyay kulamadii uu ka qayb galay shirkan dhaqaalaha iyo dadkii uu la kulmey.



“Soomaaliya waxaa markii koowaad lagu marti galiyay shirka Fagaaraha Dhaqaalaha Aduunka, waxayna noo ahayd fursad balaaran oo aan ku soo badhignay khayraadka dalkeena, danaheeda dhaqaale iyo sidii loo gacan siin lahaa dawladda Soomaaliya oo qaaday wadadii horumarka.



“Waxaan la kulmay madaxda Sanduuqa Lacagta Caalamka ee IMF iyo Bangiga Adduunka oo aan kala hadlay sidii dalkeenna deymaha looga cafin lahaa, waxayna qirayn in Soomaaliya ay samaysay tallaabooyinkii loo baahnaa , kuna taaggan tahay jidkii deymaha looga cafin lahaa.” Ayuu yiri R/W khayre



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.