X

RW Xasan Kheyre oo la kulmey wasiirka arimaha dibedda ee Shiinaha: SAWIRO

RW Xasan Kheyre ayaa la kulmey dhigiisa Shiinaha magaalada New York oo uu ka socdo shirka 72-nad ee golaha qaramada midoobey. Raiisal wasaaraha ayaa la filayaa in uu madax kale la kulmo.

Kulankan ayaa la iskula soo qaadey xoojinta xiriirka labada dawladood, xaaladda amniga ee gobolka Geeska Afrika, arrimaha siyaasadda iyo taageerada dib-u-dhiska iyo dib-u-soo kabashada Soomaaliya.



Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Shiinaha Wang Yi uga mahad celiyay kaalintooda wanaagsan ee ay ka qaadanayaan taageerada Soomaaliya, wuxuuna cadeeyey sida loogu baahan in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada waddan.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee arrimaha Soomaaliya iyo Shir kale oo isna looga hadlayey Abaaraha. Iyadoo ay shirarkani ka soo qeyb galeen in ka badan 98 waddan.



Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta oo Jimco ah khudbad ka jeedin doona shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.