X

Woqooyiga Kuuriya oo ku hanjabtey in nukliyeer bamb ku ridi doonto badda loo yaqaan Basifik

Woqooyiga Kuuriya ayaa ku hanjabtey in nukliyeer bamb ku ridi doonto badda loo yaqaan Basifik. Talaabadan ayaa noqon doonto talaabo halis ku ah arimio badan.

Hanjabaadan ayaa timi markii Trump uu yiri wuxuu dhulka la simi doonaa Woqooyiga Kuuriya. Hogaamiyaha dalkaasi oo ka jawaabayay hanjabaada Trump ayaa sheegay in uu hubka nukliyeerka ku tijaabin doono badda Basifiga taas oo aduunku bilaabayo in uu ka qayliyo.



Hogamiyaha Kuuriya ayaa tani uga dhigaya in dalkiisu awood u leeyahay in uu garaaco Maraykanka kuna garaaco hubka nukliyeerka. Tijaabadii bishan ee Kuuriya gantaal uga dul ridey Jabaan ayaa ka nixisey Maraykanka tusteyna awooda runta ah ee Kuuriya.



Kuuriyada Woqooyi oo nukliyeer ku tijaabisa badda Basifik waxay abuuri kartaa xaalad khatara mid ku ah badda iyo maraakiibka isticmaalaya iyo mid cawaaqib ku keeni karta gobolka.

Haddii uu soo dhaco nukliyeerkaas waxa dhici karta in wadanka uu ku dhacay isna nukliyeer ku jawaabo taas oo keeni karta xaalad burbur.

Lama hubo in Kuuriya talaabadan ka dhabeyn doonaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.