X

RW Xasan Kheyre oo mucaawino Imaaraadku keenay kaga gudoomey madaarka Muqdisho: SAWIRO

RW Xasan Kheyre ayaa mucaawino Imaaraadku keenay kaga gudoomey madaarka Muqdisho. Imaaraadka ayaa soo dejiyay diyaarad sida daawooyion iyo mucaawinooyinka o loogu talogaley dadkii ku dhaawacmey qaraxii argagixisada ee Soobe.

Mas’uuliyiin ka socotay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku wareejisay dawadaasi, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.



Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya.



Xasuuqii Soobe ayaa waxa ku shahiidey dad gaaraya 400 oo qof halka dadka ku laxaad beelay iyo hantiduba aad u badan tahay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.