Ra’iisul Wasaraaha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ka hadlay xasuuq Oromadu ka gaysatey deegaanka Hawadaay ee ismaamulka Oromnadu degto halkaas oo afartaneeyo Somali ah ay xasuuqeen.
RW Desaalam ayaa tilmaamay in uu ka xun yahay xasuuqa goobtaas ka dhacay ee dadka badan lagu dilay.
Wuxuu sheegay in marka hore uu tacsi u dirayo Eheladii iyo qoysaskii dadkooda ku waayay khalalaasahaasi in ka badan laba bilood ka socday xuduuda u dhaxeysa Oromada iyo Soomaalida wada dega dalka Itoobiya.
Rabshadahan ayuu sheegay Ra’iisul Wasaaraha in labada dhinacba ay kaga dhigteen dad aan waxba galabsan oo aad u badan, taasi bedelkeeda ayuu sheegay in uu amray Ciidamada Itoobiya si ay u sugaan amniga.
“Waxaan ka xumahay qalalaasaha dhexmaray dadka rayidka ah, ee u kala safnaa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, waxaan tacsi u dirayaa Eheladii iyo qoysaskii dadkooda ku waayay qalalaasahaasi, dadkii masuulka ka ahaa falkan oo ay ka mid yihiin raggii warbaahinta u isticmaalayay sida qaldan sharciga ayaa la horkeeni doonaa” Ayuu yiri Hailemariam.
Dhanka kale Madaxweynayaasha Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Ismaamulka Oromada ayaa dagaalkaasi ku tilmaamay wax aanay horey dhaqan iyo caado toona midna ugu laheyn laba qowmiyadood ee Soomaalida iyo Oromada.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay