X

Raiisal wasaare Xasan Cali oo ka hadley lacag khasnada baanka ku soo dhacdey

Raysal wasaare Khayre ayaa Khudbad dhinacyo badan taabanaysa Wuxuu ka jeediyey Munaasibadan loogu talogalay soo dhaweynta xuska maalmaha xoriyada oo dawlada qorsheynayso inay weynayso. Wuxuuna ka hadlay Xaalada dalka, Wuxuuna ka dhowaajiyey Dhaqaalle xoogan oo si toos ah ugu soo dhacay Khasnada Dawladda.



Lacag bangiga lagu soo shubey

“$45 Milyan oo doollar ayaa lagu shubay baanka dhexe ee Soomaaliya, Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaana ku shubtay lacagtaasi”. Sidaas waxaa caawa sheegay Raysal Wasaare Khayre.


Hay’adda lacagtan ku shubtey ayaa ah hay’ad dhiigyacaba oo wadamada aan xooganayn sii burburisa dhaqaalahooda ayadoo ku xirta shuruudo wax u dhima masaakiinta si lacagteeda loo soo celiyo.

Sidoo kale waxaa munaasabadan heeso wadani ah, ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo suugaan kale ku soo bandhigay kooxo ka tirsan fanaaniinta Soomaaliyeed.


Dowlada Somalia ayaa qorsheyneysa inay 60 guurada maalmaha xoriyada xariga ka jarto mashaariic waaweyn oo laga hirgeliyey magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.