X

Sababta loo xidhay Taliyihii Ciidamada Aaga-bari ee Somaliland Qaybta 31aad”

Taliyihii aaga-bariga ee Somaliland Gaashaanle Sare Doolaal ayaa maanta miiska saraakiisha lagu xidhay kadib hadal uu ka dhex yidhi shirkii maanta ee saraakiisha Ciidanka, hadalkaasi oo ahaa “Janaraal Nuux ma waxaad doonaysaan inaad Ciidanka u addeegsataan Beel inaanu hubka la dhacdo, anagu waxaanu u aragnaa in beel la’la dagaalamayo taasina waxay kasoo hor jeedaa ujeedada ciidankani ku magcaaban yahay ee ah Difaaca Qaranka”


Taliye Doolaal iyo saraakiil uu weheliyo ayaa Buuraleyda Xamaas kula kulmay Caarre waa waqtigii uu halkaasi ku sugnaa, iyagoo arrinka Nabada u socda, arrintaasi oo uu u diray Taliyaha Ciidanka Nuux-taani.

Kolkii ay Doolaal iyo Saraakiil wehelisay la kulmeen Caarre, waxaa Taliye Taani uu ka dabo diray Guuto ciidan ah, taasoo keentay inuu ka shakiyo Caarre una qaato in la shirqoolayo. Saraakiishii Guutada watay waxa la hadlay Doolaal oo waydiiyey cida amarka soo siisay ,waxaanay u sheegeen in Taani soo amray, waxa uu la hadlay Taliye Taani, Caarre oo la jooga, waxaanu Taliye Taani ku yidhi Doolaal “miyaaand arrin noo dirin, miyaad na aamini wayday” si uu u shaki saaro Caarre.


Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadii arrinkani kusii kala abuurtay waji kale iyo kala qaybsanaan, Taliye Doolaal ayaa hadalkaasi ugu xidhan Miiska saraakiisha.

Isla shirka saaka waxa kale oo Amar la siiyay taliyihii ilaalin jiray Wershada ina Geele Arab ee deegaanka Xumboweyne oo lagu Amray inuu 3 maalmood gudahood ku soo galo Hargeysa, arinkan ayaa loo badinaya in arinkii Axmed Geele Arab dib u soo cusboonaaday.

Taliye Gahayr oo ahaa Hoggaankii Hubka iyo rasaasta ayaa xilka laga qaaday sababo la xidhiidha Xaalada gobolada bariga ka jirta awgood.


Somaliland Xaalada ciidamadu waxay yeelatay waji kale, waxaana laysku raacsan yahay hadii dagaal danbe lagu qaado jabhada Caarre in ciidanka gudahooda dilaac wayni soo waajihi doono.

Dhanka kale Sool waxaa ku gadaaman Cabsi xoogan waxaana labba habeen oo is xiga weeraro kusoo qaaday Jabhada hoggaamiyeheeda lagu magcaabo Faysal Falaalug.

Ciidamada la geeyo faramaha Bariga iyo jiida tuko-raq ayaan garanayn sababta ay u dhimanayaan iyo waxa loo dagaalamayo.

Qalinkii Mukhtaar Cali Yaabe

admin:

This website uses cookies.