16/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Sababta uu u baaqdey aaska shahiid Yariisow oo la shaaciyay

Waxa maanta la,sugayay in la keeno meydka shahiid C/raxmaan Yariisow laakiin dawlada Somaliya ayaa faahfaahin ka bixisay waxa daahiyay. Waxa garoonka magaalada Muqdisho ku sugnaa masuuliyiin aad u farabadan iyo weliba dadka shacabka ah oo sugaayay imaanshaha meydka shahiid C/raxmaan.



Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada oo ah Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan ayaa shaaciyey in dib u dhac sababay Cilad Farsamo oo ku timid diyaarada ay keentay in Aaska uu u dhaco berri subax 08:00AM hadii uu Alle idmo.



Waxaana sidoo kale xusid mudan inta badan maanta in la xiray Wadooyinka Muqdisho.

Shahiidka iyo 7 kale ayaa argagixisada gaalaynta Muslimiinta ay ku dileen xafiiska gudoonka gobolka dhexdiisa, waxana la ogaadey in xataa kaamarada ay dansanayd.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWA