X

Sacuudi cabsan oo gaadhi ku dhuftey mid ka mida albaabada xaramka

Masuuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in nin cabsan gaadhigiisa ku dhiftey mid ka mida albaabada xaramka laga galo oo markaas xirnaa. ”Ma jirto cid wax ku noqotey sida ay sheegeen.

Xalay goor dambe ayay ahayd markii gaadhigaan oo xawaare ku socda uu toos u galay mid ka mida albaabada Xaramka. Ilaalada Xaramka ayaa la arkay ayagoo markiiba ka daba ordey gaadhigaas kadibna eryaday ninka waday oo galay gudaha xaramka.


Gaadhiga oo injiinku shaqayn waayay ayay kadibna ka soo jiideen albaabka ilaa 10 ka mida ilaalada xaramka. Mashaqadan ayaa ka dhacday banaanka mmajidka xaramka, weyna ka sii darnaan lahayd haddii dadku joogi lahaa.

Ninkan gaadhiga wada ayay ku tilmaameen nin aan caadi ahayn, waxaya ku guulaysteen inay qabtaan baacsi kadib.


Gudaha masjid xaramka iyo dibediisa ayaa had iyo jeer dadku buuxaan inkastoo hadda ayna jirin maadaama loo xanibey cudurka Koroona.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.