X

Hangari oo loo sheegay inayna daawada Koroona ka iibsan karin Ruushka

BERLIN, GERMANY - FEBRUARY 10: Hungarian Prime Minister Viktor Orban and German Chancellor Angela Merkel (not pictured) speak to the media prior to talks at the Chancellery on February 10, 2020 in Berlin, Germany. Orban is on a one-day official visit to Berlin. (Photo by Sean Gallup/Getty Images)

Midowga Yurub ayaa Hangari u diidey inayna daawada Koroona ka soo iibsan karin Ruushka oo iyagu noqdey dalkii ugu horeeyay ee soo saara Koroona inkastoo welli ayna badinin ama u diyaar ahayn inay suuq geeyaan.


Rasiisal wasaaraha xagjirka ah markay noqoto soo galootiga ayaa sheegay in dalkiisu ka guulaysan doono cudurka Koroona bisha afraad ee sanadka soo socda uuna wadahadalo kula jiro wadamada Ruushka iyo Shiinaha.

”Midowga Yurub wuxuu heshiisyo la galay laba shirkadood oo ilaa hadda tijaabada daawadooda dad ku dhinteen halka shirkad Ingiriisana nin ku bukoodey tijaabadooda. Heshiis kulama jirno Ruushka iyo Shiinaha ayuu yiri afhayeen u hadlay midowga Yurub.


Madaxweynaha Filipiin ayaa sheegay inuuna aaminsanayn daawooyinka reer galbeedka oo uu ka iibsan doono Ruushka iyo Shiinaha si toosa. ”Waa tuugo waana dhiigmiirato shirkadaha daawooyinka ee reer galbeedka ayuu yiri madaxweynaha Filipiin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.