11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo dalbadey in la eryo wasiirka arimaha dibedda Lubnaan

Wasiirka arimaha dibedda Lubnaan ayaa shalay qarxiyay in wadamada Wahaabiyada sida Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ka dambeeyaan argagixisada weyn ee Daacish oo dabada u rogtey dhaqano iyo dad wada deganaa qarniyo.



Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ay isku caqiido yihiin argagixisada ayaa Daacish ka fulisay goobaha ay la wareegeen caadada iyo dhaqamada ka jira Sacuudiag iyo Imaaraadka sida dumarka oo loo xiro marada madow gaar ahaan dalalka xadaariga ahaa ee Ciraaq iyo Suuriya.



Kadib cadaadin xoogleh oo uga timi Sacuudiga iyo Imaaraadka oo si gaara u biila Lubnaan ayaa sheegay inay jari doonaan kaalmooyinka gumeysiga ee ay siiyaan.

Wasiir Sharbel Wexbi ayaa codsaday inuu is casilo waxase diiday madaxweynaha dalkaasi oo sheegay inuu qaboojinayo xaalada.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS