X

Sacuudiga oo ka qayliyay markab Yaman taagan oo xataa Somaliya wax u dhimi kara

Sacuudiga oo adeegsanaya Maraykanka iyo Yuhuuda ayaa cunaqabatayn curyaamisay saaray Yaman oo ah dal fiqiira. Yaman oo is difaac xoogan ku jirta ayaa Sacuudiga u diidey inuu xadkiisa soo dhaafo.


Haddaba waxa jira markab aad u duqoobay oo saliida lagu keydiyo oo taagnaa xeebaha Yaman muddo shan sano ah oo Sacuudigu sheegay inuu hadda saliid qubayo, saliidaas oo lagu arkey xeebta u dhaxaysa Sacuudiga iyo Yaman sida ay sheegeen.

Waxay ka dalbadeen qaramada midoobey inay soo dhex galaan arinta markabkaas ku sugan xeebaha Yaman. Qaramada Midoobey ayaa hadda sheegay inay codsi u dirayaan Yaman.


Somaliya iyo markabkaas

Yaman ayaa sheegtay in Sacuudigu hortaagan yahay in markabkaas wax laga qabto haddii saliidu daadatana ay iyagu ka masuul yihiin waayo waxay weeraraan dawlada Yaman ee isticmaalysa saliida saaran. Haddii markabkaas qarxo waxa khasaare ka soo gaari doonaa dalal ay Somaliya ku jirto oo badda cas wadaaga.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.