X

Sacuudiga oo markale xadiday tirada xajiyaysa sanadkan

Waaxda u qaabilsan xajka Sacuudiga ayaa soo saaray tirada sanadkan ka qayb galaysa xajka. Waxayna tiradaas ku sheegeen 60 kun oo qof oo keliya. 45 kun waxay k aiman doonaan dibedda halka 1500 ka iman doonaan dalka gudihiisa sida lagu sheegay warbixinta.


Waaxda oo sii faahfaahisay tirada ayaa ku sheegtay in sidan loo yeelay ayadoo welli uu ka jiro Sacuudiga hargabka Karoona. Waxay shuruudo ka dhigeen in qofka imaanaya uu qaatay talaalka Karoona laba mar.


Waxay kaloo sheegeen in qofka u imaanaya xajka la kaaratiin doono sadex cisho. Waxa kale oo shuruudaha ku jira inuu yahay qof caafimaad qaba oo aan dhaqtar gelin muddo.

Si kastaba ha ahaatee ma sheegin sida 45 kun ee qof loogu qaybinayo aduunka Muslimka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.