X

Sacuudiga oo sheegay inay bixiyeen laysanada muusiga, jilida, iyo qaybaha farshaxanka

Wasaarada dhaqanka iyo hiddaha ee Sacuudiga ayaa shaacisay inay bixiyeen laysanada muusiga, jilida iyo qaybaha kala duwan ee farshaxanka. ”Laba ka mida laysanadaas ayaa maanta la bixiyay ayaa lagu yiri qoraal wasaaradu soo saartey.


Wasaarada ayaa sidoo kale shaacisay in cidii danaynaysa inay furato meel lagu qaybto muusiga iyo qaybaha kala duwan ee farshaxanka ay qaataan laysanada.

Sacuudiga ayaa sanadkii hore sheegay in manhajka dalka ay ku dareen muusiga iyo qaybaha kala duwan ee farshaxanka sida qoraalada, ciyaaraha tiyaatarada, iyo matalaada, haddana cidii furanaysa ay qaadan karaan laysano.


Sacuudiga ayaa sidoo kale qaaday xanibaadaha ay saareen haweenka sida inayna bixin karin nin la’aan, baasaboor dalban karin, gaari wadi karin, ayagoo sheegay inay faraha ka qaadeen diinta qaldan ee weerarka ku ah haweenka kaliya taas awgeedna dib u soo celisay xaquuqo badan oo haweenka hore looga qaaday.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.